Queensland Courts - Court Info Logo
Dooro cinwaan Bedel luuqada X

Dooro cinwaan

Bedel luuqada

Gelida qolka Maxkamada

Dad kale ayaa ku jiri doona qolka maxkamada. Qolka maxkamada waxaa loo habeeyey inay boos siiyo qareenada, dadweynaha, shaqaalaha maxkamada iyo ka soo qaybgalayaasha kale ee maxkamada. Sawirkani wuxuu ku tusayaa sida loo habeeyey qolka maxkamada ee guud:

Inta badan, Maxkamaduhu waxay u furan yihiin dadweynuhu inuu ka soo qaybgeli karo. Tan micnaheedu waxaa weeye xubin kasta oo ka mid ah dadweynuhu waxay iman kartaa Maxkamada marka kiis la dhageysanayo. Marmarka qaarkood Maxkamadu waa xiran tahay, waxaa loo ogol yahay oo kaliya dadka ku lugta leh kiiska la dhageysanayo inay halkaa joogaan. Sababtuna waxay tahay nooca kiiska ee la dhageysanayo. Tanina waa waxa sharci ahaan layska rabo. Markay Maxkamadu xiran tahay, ma awoodi doontid inaad gashid qolka maxkamada ilaa Maxkamadu ay diyaar u tahay inay kiiskaaga dhageysato.

Website ku wuxuu ka kooban yahay macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan adeegyada Maxkamad tegida. Wuxuu sidoo kale leeyahay tiro xiriiro ah ee ilaha macluumaadka kale ee caawimaada badan.