Queensland Courts - Court Info Logo
Dooro cinwaan Bedel luuqada X

Dooro cinwaan

Bedel luuqada

Ka dib marka Kiiskaaga la dhageysto

Maxaa dhici doona marka Garsooruhu dhageysto kiiskaaga waxay ku xirnaan doontaa nooca kiisku uu yahay iyo waxa Garsooruhu uu go’aamiyey. Garsooruhu badanaa wuxuu sharxi doonaa waxa ku xigga ee dhici doona, sida haddii ay tahay inaad ku soo noqotid Maxkamada, iyo goorma ama foomamkee laga yaabaa in lagaaga baahan yahay buuxintooda.

Waa inaad hubisid inaad si taxadar leh u dhageysatid dacwadu inay socoto dareenkaagana sii waxa Garsooruhu leeyahay waa inaad sameysaa marka ku xigta. Aad buu kuu caawinayaa haddii aad heysatid qalin iyo buug yar oo aad wax ku qorto si aad u qortid waxa Garsooruhu leeyahay.

Website ku wuxuu ka kooban yahay macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan adeegyada Maxkamad tegida. Wuxuu sidoo kale leeyahay tiro xiriiro ah ee ilaha macluumaadka kale ee caawimaada badan.